Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BJFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage

Date:

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta Kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka Ee Villa Hargeysa ayaa Waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji iyadoo ay goobjoog ahaayeen Xubnaha Guddiga.

Kulankaan ayaa daba-socday kulamo Maalmahaan uu Guddiga la yeelanayay qeybaha Bulshada iyo Hay’addaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka.

Agaasimaha hay’adda Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga kaga mahadceliyay Dadaalka ay wadaan iyo Sida ay uga go’antahay ka mira-dhalinta Dadaalkooda.

Ugu Danbeyntii Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji ayaa uga mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda la kulankooda Guddiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...