Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasadda qaran ee dhuxusha Soomaaliya+Sawirroa

Date:

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen,ayaa guddoomiyay shir u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada  dhuxusha soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda UNEP.

Kulankaan oo diirada lagu Saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta  jaridda iyo dhoofinta dhuxusha oo laga dhaxlo nabaadguur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah,waxaa kaloo ka qeybgalay Wasiirada Bii’ada ee  Maamul Goboleedyada, Xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha  , Aqoonyahano , Iskaashatooyinka dhuxusha, , Haweenka ka ganacsada Dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  oo Shirka furay Ayaa sharaxay u jeedada laga leeyahay ansixinta siyaasadda dhuxusha Qaranka soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo halsano ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhalata jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadalka cimiladda iyo daadadka.

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Qubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xogo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka, iyadoo dhinaca kale Wasiirada Maamul Goboleedyada iyo Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha ay ku dheeraadeen ka hadalka cawaaqib xumada ka dhalan karta hadaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Dhinace kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsantahay.

Siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa golaha Wasiiradda Soomaaliya, Iyadoo ay xusid mudantahay in Hey’adda Qaramada Midoobay ay  horey usoo saartay Qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Siyaasadda Dhuxusha

  • Waxa ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhuxusha laga dhoofiyo Dalka
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa dalka in la nidaamiyo soo saaridda, safrinta gudaha iyo isticmaalka dhuxusha
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa in la helo ilo kale oo tamareed oo yareeya soo saaridda dhuxusha.
  • Siyaasadda dhuxushu waxa kale oo ay dalka ka caawinaysaa in dadka ku hawlan soo saaridda iyo ka ganacsiga dhuxusha loo helo ilo kale oo nololeed.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay keenaysaa in la yareeyo dhibaatooyinka degaaneed ee ka dhasha jarista dhirta ,sida xaalufka dhirta, nabaadguurka iyo daadadka.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay qeyb ka qaadanaysaa yareynta saasmeynta isbeddelka cimilada, helitaanka calafka xoolaha ,quruxda dhulka iyo ilaalinta jiritaanka Noolaha kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...