Shirka horumarinta Tamarta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradad Tamarta &Khayraadka Biyaha XFS oo Baydhabo ka socda

Date:

Waxaa si rasmi ah magaalada baydhabo uga furmay shirkii looga arinsanayey arrimaha Tamarta iyo korantada dalka,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh.

Madaxweynaha DGKS C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen)ayaana shirkaasi si rasmi ah u dahfuray,waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed xubno k atirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay hormuudka ka tahay barnaamijkan ayaa faah faahisay ahmiyada laga leeyahay shirka,iyadoo muujisay sida ay uga go’antahay wasaaradeeda sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga Tamarka iyo Khayraadka Biyaha guud ahaan dalka,taasii oo baahi weyn ay u qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirada Tamarata dowlada goboleedyada oo shirkaasi qeyb ka ah ayaa soo dhaweyeey dadaalka logu jiro horumarinta ka faa’ideysiga Khayraadka Tamarta ee dalka,waxaana ay sheegeen in ay rajo ka qabana in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna  Maye oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa bogaadiyey shirka iyo wax yaabaha looga hadlayo

Madaxweynaha  mudane C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen) oo isagu daah furey shirka ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashey inay in looga fadhiyo natiijo wanaagsan oo wax Ku ool u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirkaan looga hadlayo arrimaha Tamarta iyo koromtada dalka ayaa soo qaban qaabiyey mas’uuliyiinta sare ee wasaarada tamarta iyo qeyraadka biyaha xukuumada soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...