Xukuumadda oo Ciidamada loo tababarayo Galmudug Ku Boorrisay In cadawga ay ku qabtaan gacan bir ah

Date:

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale oo  socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug ee argagaxisadu ay shacabka ku dhibaateyso.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo saraakiisha ciidanka ka xog wareystay xaaladda ciidanka tababarka ku jira iyo sida ay u socdaan howlaha ciidamada loogu diyaarinayo baacsida cadawga ummadda iyo soo celinta sharafta Soomaaliyeed, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay gacan bir ah ku qabtaan cawaga ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo wasiirka Amniga gudaha uga warbixiyay sida uu u socdo tababarka, ayaa sheegay in ay ciidanku u diyaarsanyihiin gudashada waajibaadka ka saaran Galmudug iyo guud ahaan ilaalinta qarannimadda.

Mudane Maxamed Abuukar oo saraakiisha ciimadama tababareysa u mahadceliyay, ayaa ciidanka u rajeeyay in ay ku guuleystaan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka lagu tababarayo xerada Har-qaboobe ayaa qayb ka ah ciidamada taliska qaybta 21-aad ee loo diyaarinayo xoreynta guud ahaan deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed loona gaarsiiyo adeegyada bulsho ee xaqa ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...