Wasiirada Warfaafinta Heer Fedaraal Iyo kuwa Dowlad Goboleedyda oo Kullan la Yeeshay Hay’adaha Daneeya Warbaahinta.

Date:

Iyadoo Maalinkii sedaxaad Magaalada Muqdisho ka socodo Shirka wadatashiga wasiirada Warfaafinta Heer Fedaral iyo Heer Dowlad Goboleed aya Maanta Waxa ay Kullan La yeesheen Hay’adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Bulshada , Waxana Goob -Joog ahaa Kullanka Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Dalka ,Jubbaland ,Koonfur Galbeed ,Hiirshabeele ,Puntland ,Galmudug, iyo Wasiirka warfaafinta DFS, oo ay waheliyaan Agaasimiyaasha Guud Iyo Kuwa Warbaahinta Dowladda Heer Fedaral iyo Heer Dowlad Goboleed, iyo Mas’uliin kala Duwan oo Ka socdey Hay’adaha Daneeya Horumarinta warbaahinta Soomaaliya.

Waxana Shirka Inta Badan Looga Hadley Wacyigelinta Bulshada In si wadajir ah looga qeyb qaato Waxana Hay’adaha Kala Duwan Ee Daneeneya warbaahinta ay Sheegey In doorkooda ay ka qaadan Doonnaan Horumaka warbaahinta Soomaaliya ,Iyo Wacyigelinta Bulshada.

Wasiirka wasaradda Warfaafinta Wacyigelinyta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Abdi Maxamed Ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay kala Hadleen Hay’adaha Daneeya Horumaraka warbahinta Dalka ,iyagoona Ballan qaadey in ay kaalin weyn ka qaadan Doonan Horumarinta Warbaahinta Dowlada Kuwa Gaar Iyo Wacyigelinta Dadweynaha.

Maxamed Abdi Xayir Maareye Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegey in Maanta la isku Afgartey In Hay’ad waliba Oo Wacyigelin ka sameyneysa Soomaaliya ,ay Iska soo diiwan Geliso,Wasaradaha Warfaafinta Heer Fedaral Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Shirkan Ayaa La Fileya In Maalinta Baritaha laga soo saaro War-murtiyeed La Xiriira Waxyaabihii la isku Afgartey Mudadii Shirka uu socodey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...