Home Blog Page 1014

Ciidanka Amniga Oo Maanta ka hortagay islamarkaana Fashiliyay Baabuur Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

0

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Amniga ayaa maanta fashiliyay gaari walxaha Qarax laga soo buuxiyay kaasi oo ay Kooxda Nabad diidka ee Argagaxisada ay ku doonayeen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Falka ka hortagga oo ay fuliyeen ciidamada Amniga kuwaasi oo maanta ku guuleeystay in ay ka hortagaan islamarkaana ay fashiliyaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay gudaha degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Kooxaha nabad-diidka ayaa had iyo jeer ku kaca falal kuwaasi oo sida qaalibka ah ay caadeeysteen in ay ku daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse dhacdadan ayaa waxaa ma hadi haka gaartee ku guuleystay Ciidamada Amniga  kuwaasi oo ka hortagay islamarkaan ka badbaadiyay mashaqadii ay damacsanaayeen nabad diidka Argagaxisada ah ay la maaganaayeen in ay ku baabi’iyaan nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Sadiiq Warfaa: “Wax ka badelka Sharciga Shaqaalaha rayidka wuxuu Sahlayaa in la helo Shaqaale xirfad leh”

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in  la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka.

“Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta  sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla.

Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo.

“Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Al-shabaab oo lagu laayay Gobolka Hiiraan

0

SNTV:-Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay isku dayeen in ay xoollo baad ah ka qaataan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoollo baad ah.

Qaar ka mid dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray argagixisada iyo dadka deegaanka.

Billihii ugu dambeeyay ayaa waxaa socday howlgallo lagu baacsanayay haraadiga Alshabaab oo ay soo wajahday cabsi xooggan, kadib markii ay bilaawdeen howlgallo argaggixisada looga sifeynaayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, kuwaas oo ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Haweenay soo xirtay dharka Ragga oo ay Ciidamada Amniga Gobolka Mudug ay gacanta ku soo dhigeen

0

Ciidanka booiiska dagmada Galkacyo ayaa gacanta kusoo dhigay qof dumar ah oo isku ekeeysiisay ragga, kadib hawlgallo ay ciidamada ka wadeen dagmada Galkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.

Intii u socday hawlgalka lagu sugayay  amniga ayaa waxaa ciidanka  usura gashaya soo qabshada haweeneydan ku labisaneyda  dharka ragga sidoo kalanaa ku hubeysnayda bastoolada.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur cali Gadaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan hawlgalada lanaa sii wadi doono baarista haweenayda  hatan gacanta lagu hayo,dhanka kalana ay jiraan tuhumo  kalo ay kudaba jiraan  ciidanka ammaanka gobolka aynaa soo bandhigi doonnaan marka ay soo gabagabeeyan baarista.
Qofkaan dumarka ee  sidtay dharka ay ku labistan ragga oo warbaahinta ay wax kaweydiisay ayaa sheegtay in ay tahay qof dumar ah.

Maalmihii u danbeeyay waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay falal ay
fuliyeen kooxo lagu tuhun san yahay ineey ka tirsan yihiin argagixisada
Al shabaab.

 

 

 

Eng.Yarisow “Dadaal aynu ku bixinnay weynaynta Maalmaha Xurriyadda”

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo abaal marin guddoonsiiyey guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyada maalmahan Qaran.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Munaasabaddan aan idin kugu mahad celinayno oo ay nagala qeyb galayaan xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska Afrika ee fadhigoodu yahay Hargaysa, waxa ay ka tarjumaysaa sida aynu isugu xilqaannay weynaynta maalmaha xurriyadda dalkeenna iyo muujinta in Caasimaddu ay markale diyaar u tahay kulminta dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed oo munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa ku adkeeyey Maamulka iyo bulshada Caasimadda in ay sii laba laabaan sannadka danbe qaban qaabada dabbaal degyada maalmaha xurriyadda, maadaama ay astaan u yihiin midnimada, wadajirka iyo horomarka dalka.

“Xuska sannad guurada 59-aad ee xurriyadda Soomaaliya sannadkan waxa ay ku suntanayd hilowga shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan midnimada iyo dowladnimada. 30-sano kaddib waxaa xoogeysatay xiriirka dhexdeenna ah iyo dareenkeenna waddaniyeed.

Intii ay socotay munaasabaddu waxaa sugaan wadani ah ku soo bandhigay hobollo Soomaaliyeed iyadoona abaal-marin la guddoonsiiyey xubnihii guddiyada Gobolka Banaadir ee ka qeyb qaatay xuskamaalmaha xurriyadda ee sannad guurada 59-aad.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlmaanka, Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida iyo xubno ka mid ah urrurada bulshada rayidka ah.

Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo&Dhuusamareeb ooo Boosaaso gaaray

0

Muqdisho (SNTV) Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan  kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.

Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka  dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

R/Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta”

Dhuusamareb (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka Ragaya boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeeiyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay khawaarijta Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

Quburo ka socota Jaamacadda Carabta oo bogaadisay sida ay u shaqayso hay’adda duulista Hawada Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Xubno ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta oo Muqdihso ku sugnaa Maalmahaan ayaa laga sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

Quburadan oo ka kooban Afar xubnood ayaa Muqdisho u yimid in ay qiimeyn ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya, si loo ogaado heerka jewiga guud ee Madaarka iyo sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen tababarrada shaqaalaha iyo qalabaynta Garoomada Dalka.

Xubnahan ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta, ayaa Afartii Cisho ee ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay si weyn ugu kuur galeen shaqada ka socota Garoonka, iyagoo Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay u xoojineyso horumarinta adeegyada Caalamiga ah.

Maareeyaha hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay ka jawaabeen dalabkii Dowladda, isagoo intaa ku daray in ay soo dirtay Qubaro qiimeyn ku samaysa Garoonka, iyagoo u kuur galay shuruucda hay’adda duulista, wuxuuna sheegay in ay sameeyeen Dukumiintiyo qeexaya xogtii ay uruuriyeen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu Maareeyuhu ka codsaday in ay dadejiyaan sharciga maamulka Hawada kaas oo wax ku ool u ah dhammaystirka qorshaha la wareegista Hawada Dalkeenna oo maraya heerkii ugu dambeeyay.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

0

Muqdisho-(SNTVA)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Shiinaha.

Injineer; Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay.

Mudane; C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in ay halkaasi kaga qeyb galeen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax soo saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheelli tirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Ra’uul wasaare ku xigenka Dalka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddaasi, waxanay kulankaasi Diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Labada Dal, iyagoo si wda jir ah u sameeyay guddi dhaqaale.

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha Dal walba uu Dalka kale dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howl geli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, ayuu yiri Wasiir Xasan.

Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Dalka, isla markaana uu qeyb ka ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay booqdeen Wershadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada.

Bandhiggan oo Labadii Sanaba mar la qabto ayaa daba socday shirkii madasha is-kaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2018-kii lagu qabtay Magaalada Beijing, kulankaas oo uu Soomaaliya xilligaasi uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xukuumadda Oo Ansixisay Heshiiska Cusub Ee dowladdu La Gashay Shirkadda Favori Iyo Labo Hindise Sharciyeed

0

Khamiis, July 04, 2019—Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay.

Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.