Home Blog Page 1015

Quburo ka socota Jaamacadda Carabta oo bogaadisay sida ay u shaqayso hay’adda duulista Hawada Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Xubno ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta oo Muqdihso ku sugnaa Maalmahaan ayaa laga sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

Quburadan oo ka kooban Afar xubnood ayaa Muqdisho u yimid in ay qiimeyn ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya, si loo ogaado heerka jewiga guud ee Madaarka iyo sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen tababarrada shaqaalaha iyo qalabaynta Garoomada Dalka.

Xubnahan ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta, ayaa Afartii Cisho ee ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay si weyn ugu kuur galeen shaqada ka socota Garoonka, iyagoo Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay u xoojineyso horumarinta adeegyada Caalamiga ah.

Maareeyaha hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay ka jawaabeen dalabkii Dowladda, isagoo intaa ku daray in ay soo dirtay Qubaro qiimeyn ku samaysa Garoonka, iyagoo u kuur galay shuruucda hay’adda duulista, wuxuuna sheegay in ay sameeyeen Dukumiintiyo qeexaya xogtii ay uruuriyeen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu Maareeyuhu ka codsaday in ay dadejiyaan sharciga maamulka Hawada kaas oo wax ku ool u ah dhammaystirka qorshaha la wareegista Hawada Dalkeenna oo maraya heerkii ugu dambeeyay.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

0

Muqdisho-(SNTVA)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Shiinaha.

Injineer; Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay.

Mudane; C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in ay halkaasi kaga qeyb galeen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax soo saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheelli tirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Ra’uul wasaare ku xigenka Dalka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddaasi, waxanay kulankaasi Diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Labada Dal, iyagoo si wda jir ah u sameeyay guddi dhaqaale.

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha Dal walba uu Dalka kale dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howl geli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, ayuu yiri Wasiir Xasan.

Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Dalka, isla markaana uu qeyb ka ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay booqdeen Wershadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada.

Bandhiggan oo Labadii Sanaba mar la qabto ayaa daba socday shirkii madasha is-kaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2018-kii lagu qabtay Magaalada Beijing, kulankaas oo uu Soomaaliya xilligaasi uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xukuumadda Oo Ansixisay Heshiiska Cusub Ee dowladdu La Gashay Shirkadda Favori Iyo Labo Hindise Sharciyeed

0

Khamiis, July 04, 2019—Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay.

Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka guddoomay dhiggiisa Masar hambalyo ku aaddan maalmaha Xorriyaddada

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay dhiggiisa Dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Siisi hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Masar shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa sidoo kale ku amray Xoghayaha Madaxtooyada Masar in uu Safaaradda Soomaaliye uu kala qeyb qaato farxadda iyo dabbaal degyada sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Mudane Cabdifataax Al-Siisi bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna.

Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Toddobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leenahay Gobolka Geeska Afrika.

Dawladda Soomaaliya oo Xiriirka u Jartay Jamhuuriyadda Guinea.

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo maanta Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya Xiriirka ay u jartay Jamhuuriyadda Guinea.

Sababta ay Dawladda Soomaaliya Xiriirka ugu Jirtay Jamhuuriyadda Guinea ayuu Wasiir Cawad ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale Sheegay in Dawladda iyo Ummadda Soomaaliyeed aysan u dulqaadaneynin Xad-gudub lagu sameeyo Madax-banaanida iyo Midnimmada Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay u taagan tahay Ilaalinta iyo Dhawrista Midnimmada, Madax-banaanida iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed, isaggoo xusay in Go’aan kasta oo Dawladda ay qaaadaneyso uu ku saleysan yahay u adeegidda danta Shacabka iyo Difaaca Qaranka.

Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna

Khamiis, July 04, 2019—Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka.

—DHAMMA

Kenya oo xukunkii ugu dheeraa ku ridday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Nairobi- (SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xukunkii ugu muddada dheeraa ku ridday Saddex Nin oo loo haysto in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii Argagixisanimo ee 2-dii April 2015-kii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa.

Mohammed Abikar iyo Hassan Edin Hassan, oo kasoo jeeda Dalka Kenya ayaa lagu xukumay min 41 Sano oo Xabsi ah, halka , Rashid Charles Mberesero, oo u dhashay Tanzaaniya isna lagu riday cimri daa’in, kaas oo ah xukunkii ugu dheeraa ee ay Dowladda Kenya ku xukunto Rag loo haysto falal la xiriira Argagixisonimo.

Garsoore; Francis Andayi, oo ku dhowaaqay xukunka Saddexdan Nin, ayaa sheegay in Raggani ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya, Gacan saarkana la leh Ururka Al-Qaacidda.

Weerarkii 2015-kii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, ayaa waxaa ku geeriyootay 148 Qof oo u badan Arday, kaas oo ah dilkii ugu badnaa ee ay Argagixisadu ka geysato Kenya, marka laga reebo qaraxii 1998-dii ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, halkaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 200 Qof.

Isha/ Agencies

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha oo faahfaahin ka bixiyay Saraakiil loo xiray wax is-dabamarin

0

Muqdisho- (SNTV)- Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in ay haatan socoto baarista dembiyo ku saabsan musuq iyo wax is daba marin lagu helay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda maaliyadda iyo Ciidankaa Booliska oo loo xiray wax isdabamarin.

Janaraal; Bariise, ayaa intaa raaciyay in barista oo iminka ka socota xarunta dembi barista ee CID-da ay meel wanaagsan marayso, natiijada kasoo baxana ay la wadaagi doonaan Maxkamadda awoodda u leh dhagaysiga kiiskaas.

Wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu muddo badan kusoo jiray kala dambayn la’aan, Maalinba maalinta ka dambaysana u tallaabsanayay isku tashi, isla markaana uusan aqbalayn in dhaqaalaha kasoo baxa ganasatada Guryaha iyo dakhli walba ee loogu tala galay in lagu maareeyo howlaha Dowladda in uu Qof gaar ah isaga tagri falo.

“Ma suuro galeyso mana dhici karayso, mana laga aqbali karo,Qofkii masaakiinta ahaa ee aad ogtihiin Hooyoyaashii Yaanyada ku gedaayay Suuqa iyo kuwa la midka ah ee Canshuur bixiyayaasha ah , wixii ay iyaga lahaayeen ee ay ugu tala galeen in dhaqaalahooda ay Dowladdu ku daboosho howlaheeda Qarannimadana lagu socodsiiyo, in Qof lagu aaminay inta soo qaato uu Jeebkiisa gashto, oo uu isagu ku manaafacaadsado ma yeeleyno, ayuu yiri Taliye Bariise.

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa Dadka caadeystay musuqa ugu digay in ay wax is-daba mariyaan, wuxuuna intaa raaciyay in Dalka uu kasoo kabanayo xilliyadii boobka hantida Dad weynaha, ciddii lagu helana ay mudan doonto ciqaabteeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr goor oo hore farriimo adag u dirtay Dadka caadeystay musuqa, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiin iyo Saraakiil kala duwan ku qaadday Kiisas la xiriira wax is-daba marin.

Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Alshabaab oo la xukumay.

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary  sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada.

 

Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu  ugu  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd  markii sedaxaad ay  suura gashay in ay  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeedii  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u  horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Wakiillada Midowga Afrika iyo IGAD oo ka degay Dhuusamareeb lana kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre+sawirro

Muqdisho-(SNTV)-Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka.

Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.