Home Blog Page 1013

Guddoomiyaha golasha Shacabka Soomaaliya oo gaaray Xuddur

Xuddur-(SNTV)-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Mudane; Mursal, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan.

Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynihii 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho-(SNTV);- Raiisul wasaare ku-xigeynka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaan Maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Daahfurka shirweynaha waxbarashada Dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada xukuumadda  Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay, xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa adeeg wax barasho oo dhameys tiran.

Raiisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed , ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay muhiimadda horumarinta waxbarashada Dalka, wuxuuna madaxda wasaaradda ku ammaanay horumarinta waxbarashada iyo dhameys tirka manjah wax tar leh.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane ; Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha Shanaad ee dib u eegista wax barashada Dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda,

“Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda wax barashada Soomaaliya iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.

Guddoomiyaha cusub ee Xamar jajab oo xilkii la wareegay

0

Muqdisho-(SNTV)- Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Maanta xilka ku wareejiyay,  Guhaad Sheekh Xasan Cali, oo uu dhowaan soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Xamar jajab, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada.

Guddoomiyaha haatan xilka wareejiyay, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Bishii Jannaayo ee Sanadkan loo Magacaabay xilka uu Maanta banneeyay, isagoo muddadii uu halkaa joogayna qabtay howlo badan oo wax ku ool u ah adeegyada kala duwan ee arrimaha Buslshada.

Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay Kaga Hawl-galayso Dalka Somaliya 2019-2021

0

Muqdisho (SNTV):– Maanta oo Isniin ah, hay’adda IOM waxa ay daah-furaysaa qorshaheeda istiraatiijiyadda ee ay ka howgaleyso dalka Soomaaliya (IOM Somaliya Mission Strategy)  muddada 2019-2021ka, iyada oo ay kala shaqeynayso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxa kale oo daah-furkan ka soo qeyb-galay qeybaha kale ee daneeyeyaasha dawladda, kuwo heer Faderaal iyo mid maamul goballeed ba.

Hay’adda IOM, waxa ay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto qorshaheeda oo ah mid waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qorshahani, waxa uu diiradda saarayaa baahiyaha dalku u baahan yahay iyo sida IOM ay wax uga qabaneyso iyada oo ku saleynaysa howlahii waxtarka lahaa ee ay ka qabatay Soomaaliya laga soo bilaabo illaa 2006dii, waxaana ay hay’addu ka shaqeysaa dhammaan Dowlad goboleedyada oo dhan iyo gobolka Benaadir ee Soomaaliya oo ay u joogaan in ka badan 400 howlwadeen ah.

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Mohamed Hassan wuxuu yiri “IOM waxa ay nala wadaagtay qorshahooda ku aadan dhaqan galinta istraatiijiyadda ay dalka ugu shaqeynayaan taas oo waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka, Wasaaradduna waxa ay xoogga saareysaa sidii ay IOM ugala shaqeyn laheyd fulinta qorshahooda cusub oo soconaya seddexda sano ay nagu soo aadan.

Qorshaha IOM, waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah gargaarka bani-Aadamtinnimo (Humanitarian Response), dib u soo kabashada iyo  helidda xal-waara(Recovery and Durable Solutions) iyo arimaha tahriibka iyo horumarinta (Migration Governance and Development).

Tiirka 1aad.

Gargaarka bani-Aadamtinnimo waa mid lagu badbaadinayo nafta dadka aafoyinka iyo dhibbaatooyinku haleeleen, waxaana ay hay’adda IOM ay diiradda saaraysaa siddii dadkaas looggu fidin lahaa gargaar bani-Aadamtinimmo oo deg deg ah.

Tiirka 2aad .

Soo kabashada iyo  helidd xal-waara, tan macnaheedu waxa weeyaan in hay’adda IOM ay sameyn doonto in dadkii gargaarka bani-aadamnimo loo fidiyey loo qaban doono waxyaabo xal u noqda jiritaankooda nololeed ee muddo dheer taas oo laga sameyn doono dhammaan Dowlad gobolleedyada, barakacayaasha dalka dhexdiisa iyo weli ba dadka dalka dib ugu soo noqdey

Tiirka 3aad.

Arimaha tahriibka iyo horumarinta oo ah tiirka saddexaad, waxa uu ka hadlayaa siddii hay’adaha dawladda loogala shaqeyn lahaa kor-u-qaadidda adeegyada loo qabanayo bulshada iyo siddii loo xoojin lahaa dawladnimada iyo horumarka.dhanka tahriibka.

Haddaba, si qorshahan loo hir-geliyo sannaddada soo socda, waxay IOM xoojinaysaa balan-qaadkeedii ahaa in ay si dhow u la shaqeyso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Wasaaradaha Xukuumadda iyo Dawlad gobolleedyada..

Madaxa ugu sarreeya hay’adda IOM Dyne Epstein, waxay dawladda Somaliya uga mahad-celinaysaa wada-shaqeynta dhow ee sanadaddii hore ay la sameysay IOM, sida oo kale waxa ay hay’addu rajeynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan oo dhan si hore looggu socdo.

Ms. Epstein oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi: “ Si loo helo Soomaaliya xasiloon, waxay IOM balan-qaadeysaa in si xooggan ay uga shaqeynayso, Dalku wuxuu soo celiyay rejada iyo kobcinta khayraadka, waxaana aan ku faraxsanahay in aanu qeyb ahaano nidaamkaa socda.”

Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Dhallinyarada Soomalaiyeed oo magaalada Muqdisho ka sameyneysa howlo shaqo abuur ah

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa sare u kac laga dareemayaa ka ganacsiga iyo iibsiga dharka hudheyda ah suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana ay ganacsatada yar yar ee garab raratada ah ku maareeyaan nolosha reerkooda, kuwaasi oo ka raadiya qutul-daruuriga qoyska.

Dharka iyo alaabada kale ee ay wareejiyaan ayaa waxaa kasii iibsada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir iyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay gataan dharka cusub.

Ka ganacsiga Dharka celiska ah ayaa kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga suuqyada magaalada Muqdisho, maadaama dharka huudeyda ah ay ka shaqeystaan dhalinyaro Soomalaiyeed oo ay u noqotay shaqo abuur si ay ugu maareeyaan nolosha reerkooda ,iyadoo ganacsatada garab raratada ah ee suuqyada ku wareejiya alaabaha kala duwan ay ku soo badanayaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxaa farqi weyn laga dareemayaa qiimaha la kala iibsado dharka cusub ee suuqyada magaalada iyo dharka hudheyda ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qiimaha hada la kala iibsado dharka hudeyda ah oo aad u jaban yahay, halka dharka cusub uu qiimahiisu yahay mid aad u sareeyo .

Qaar ka mid ah ganacsatada yar yare ee garab raratada ah iyo dadka ka shaqeeya dharka dhuudeyda ah ayaa ka warbixiyay qiimaha la kala iibsado dharka celiska ah iyo farqiga u dhaxeeya qiimaha la ka siisto dharka kale.

Falastiin Aadan Faarax, waxa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada dharka waxeyna ka warbixineysaa sida ay ugu ganacsato dharka.

“Waxaan ka ganacsannaa dharka Huudheyda ah, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay weliba xilliba xilliyadan qaboobaha ah ee la joogo, waxaam gadnaa Jaakado, waxaan ka raadsannaa Nolosha reerkeenna Alxamdu Lilaah” ayay tiri Falastiin.

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkan ku soo badanaya horumarka dhinaca ganacsiga ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhalin yaro fara badan oo horay shaqo la’aan u ahaa, kuwaas oo haatan ka shaqeysta ganacsiga Dharka hudeyda iyo Alaabada kale.

W/D; Muuse Cusmaan Abtoow

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo maanta la kulmay Guddiga deyn cafinta Soomaaliya

0

SNTV:- Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP.

Mudane; Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan.

Sidoo kale, waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta.

DEG DEG: Ciidamada amniga oo Muqdisho ku dilay labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

0

SNTV:- Ciidamada amniga ayaa goordhow labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay magaalada Muqdisho,kuwaasi oo isku dayay in ay xoog ku soo jiiraan bar koontorool oo ay Ciidanku ku leeyihiin Seybiyaano.

Dhacdadan ayaa timid saacado uun kadib markii ciidamada oo howlgalo kujira ay sidoo kale, fashiliyay gaari walxaha qarxa lagu soo cabeeyay kaasi oo sida lagu soo waramayo ay kooxda argagixisada doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qarax lagu fashiliyay Muqdisho & argagixiso la toogtay

0

SNTV:- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.

“ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

Dhanka kale waxeey Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Ugu dambeyntii,Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay.

 

Ciidanka Amniga Oo Maanta ka hortagay islamarkaana Fashiliyay Baabuur Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

0

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Amniga ayaa maanta fashiliyay gaari walxaha Qarax laga soo buuxiyay kaasi oo ay Kooxda Nabad diidka ee Argagaxisada ay ku doonayeen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Falka ka hortagga oo ay fuliyeen ciidamada Amniga kuwaasi oo maanta ku guuleeystay in ay ka hortagaan islamarkaana ay fashiliyaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay gudaha degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Kooxaha nabad-diidka ayaa had iyo jeer ku kaca falal kuwaasi oo sida qaalibka ah ay caadeeysteen in ay ku daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse dhacdadan ayaa waxaa ma hadi haka gaartee ku guuleystay Ciidamada Amniga  kuwaasi oo ka hortagay islamarkaan ka badbaadiyay mashaqadii ay damacsanaayeen nabad diidka Argagaxisada ah ay la maaganaayeen in ay ku baabi’iyaan nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed.