Xasan Cali Khayre: R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Degmada Dhuusa-mareeb Kulan kula Qaatay Madaxda Ahlusuna

Date:

Muqdisho (SNTV) R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka deganyhay magaalada Dhuusa-mareeb ku qaabilay madaxda sare ee Ahlusuna, sida ay ku soo waramayso wariyaha warbaahinta Qaranka ee Xafiiska R/wasaaraha dalka Nasra Bashiir Cali.

Guddoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa fullinta Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Booqasho ugu tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, iyagoo iska xog wareystay arrimo ku saabsan dadaalka wada jirka ah oo loogu jiro dib u heshiisiinta iyo Wadatashiga dhismo loo dhanyahay oo ay yeelato Galmudug.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa lafilayaa in 4-bishan oo berri ku beegan uu si rasmi ah u furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasi oo ay ka qeyb galayaan ergooyin kala duwan oo matalaya bulshooyinka ay khuseyso Maamul usameynta Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, inta ay socdaan howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug oo ay howshiisu socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...