Xasan Cali Khayre: R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Degmada Dhuusa-mareeb Kulan kula Qaatay Madaxda Ahlusuna

Date:

Muqdisho (SNTV) R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka deganyhay magaalada Dhuusa-mareeb ku qaabilay madaxda sare ee Ahlusuna, sida ay ku soo waramayso wariyaha warbaahinta Qaranka ee Xafiiska R/wasaaraha dalka Nasra Bashiir Cali.

Guddoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa fullinta Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Booqasho ugu tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, iyagoo iska xog wareystay arrimo ku saabsan dadaalka wada jirka ah oo loogu jiro dib u heshiisiinta iyo Wadatashiga dhismo loo dhanyahay oo ay yeelato Galmudug.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa lafilayaa in 4-bishan oo berri ku beegan uu si rasmi ah u furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasi oo ay ka qeyb galayaan ergooyin kala duwan oo matalaya bulshooyinka ay khuseyso Maamul usameynta Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, inta ay socdaan howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug oo ay howshiisu socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...