Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Qeybteeda Degmada Caabud-waaq oo Isxilqaan lagu dhisayo

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed  Dr. Muxamed Axmed Jimcaale  oo ay weheliyaan masuulyiin ka tirsan maamulka degmada Caabud-waaq ee gobalka G/gaduud,  qaybaha  bulshada  iyo  jaaliyadda soomaaliyeed ee deegaanka ka soo jeeda ayaa ka qaybgalay olalaha isxilqaan ee lagu dhisayo  qaybo hor leh oo lagu soo kordhinayo  jaamacadda, qorshahaasi oo qayb ka ah dadaalada ballaarinta hawlaha jaamacadd, si dadka soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in adeegga waxbarashada  jaamacadda loo soo dhaweeyo.

Hindisaha  qorshahaan oo ay leedahay  Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hirgalay deegaanada  dawlad goboleedyada  dalka, taasi oo horseed u noqotay in  bulshada ku dhiiradaan inay isku tashi sameeyaan si adeegyadii ka burburay ay dib ugu dhistaan .

Guddoomiyaha Jaamacadda  Ummadda Soomaaliyeed Dr. Maxamed Axmed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan degmada  Caabud-waaq  sida ay usameeyeen isku tashiga ,waxaana uu intaa ku daray  in qorshahaan ay dawladda soomaaliya door ka qaadan doonto, si looga  mira dhaliyo hiigsiga dawladda Soomaaliya ee ku aadan  hormarinta  waxbarashada dalka iyo soo celinta xarumahii Jaamacadda  umadda  ee gobolada dalka .

Waxaa socda   dhismaha  Fasaladii ay  ardayda casharada ku baranayeen ,maadaama  ay baahida ardayda deegaanka ay korodhay,waxaa qorshaha  dhismahaasi  taageeraya  R/wasaaraha dalka  md: Xasan Cali Kheyre uu balanqaaday bulshada markii uu tagay  degmadaasi.

Waxyaabaha kale lagu soo kordhinayo Jaamacadda Ummadda faraceda Caabudwaaq waxaa ka mid ah  dhismaha maktabad wayn oo ay ardayada Caabudwaaq wax ku aqristaan  dhismaha hoolka shirarka iyo meel dadku ay ku nastaan.

Guddoomiya J.U.S wuxuu xusay in marxalado kala duwan laga  soo maray dib u hawlgalinta jaamacadda umadda  Soomaaliyeed   hadana  ay hormuud ka tahay waxbarashada  dalka, waxaana  lagu bilaabay kulliyado  dhawr ah  hadana  ay rajanayaan in kuwo cusub lagu soo kordhindoono haddii Alle idmo.

“370 arday  ayaa  lagu  bilaabay  jaamacadda maantana tirada  ardayda afar kun oo arday ayay ku sii  dhawdahay ,waxaana soo kordhinaynaa kuliyadii  aan is dhahno  baahi ayaa loo qabaa, sida Kulliyada sayniska oo aan bilaabayno sanadkaan.

Xaruntii  Gaheyr ayaa  qorshaynaynaa  in darbi lagu wareejiyo waxaa dayactiri doonaa  galaasyo bur bur gaaray ayuu yiri  Gudoomiyaha  Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Jaamacadad ummadda ayaa sanadkii 2013-dii dib loo hawlgaliyay, waxaana ka muuqda harumar ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah, waxaana sii kordhaya tirada ardayda iyo xarumaha jaamacadda ay ka hirgalinayso Gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...