Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo xilka la wareegay +Sawirro

Date:

Xaflad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan isla markaana uu xilka ku wareejiyay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)taliyihii hore ee Asluubta ayaa lagu qabtay xarunta taliska ee magaalada Muqdisho.

xafladda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda XFS Abukaate Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha  Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir,Madaxda maxkamadaha dalka iyo marti sharaf kale waxaana halkaa si rasmi ah xilka ula wareegay Taliyaha Cusub iyadoo masuuliyiintii halkaa ka hadlay ay bogaadiyeen taliyaha cusub isla markaana ay amaan u soo jeediyeen taliyihii hore wax qabadkiisii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...