Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Maanta Kulan La Qaatay Saraakiisha Qeybaha Ciidamada

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta la kulmay saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo guud ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlay dardargelinta amniga, xanaaneynta iyo ka warqabka maxaabiista iyo howlaha kale ee lagama maar-maanka u ah shaqo maalmeedka la xiriira maxaabiista.

Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil, saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta, isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka.

Genaral Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu ugu dambeyntii Kormeeray xafiisyada ay ka hawlgalaan saraakiisha Ciidanka Asluubta .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...