Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Date:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad, oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 156 Xildhibaan ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale iyo qeybinta warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista Sharciga Ladagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee 30-ka Abriil, 1975.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyay Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro.

Xildhibaanno Golaha ka tirsan ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay weydiiyay wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in hindise sharciyeedkan in lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad loogana doodo, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka 11-aad, isagoo kaashanaya culimaa’udiinka Soomaaliyeed uu soo saari doono shuruuc looga hortagayo dembiyada iyo tacadiyada ka dhanka haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...