Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka jaray Warshadda Banaadir Steel oo ah Warshad cusub oo soo saarta Biraha Shubka ee lagu dhiso Guryaha, iyadoo isticmaaleysa dib u warshadeynta biraha duugoobay.

Madaxweynaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Warshaddan ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta, iyo garab istaagga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalgashanaya dalkooda, si ay door muuqda uga qataan soo kabashada dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isagoo ku adkeeyey in kor loo qaado ilaalinta badqabka shaqaalaha iyo tayada wax-soosaarka Warshadda.

“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada ganacsatada ah ee u istaagay in ay dalkooda maalgashadaan, kuwaas oo fursad shaqo u abuuray in ka badan 400 oo qof iyo qoysaskooda,Warshadaha iyo mashaariicda kale ee waaweyn waxa ay ka mid yihiin kuwa dalkeenna dhowaan ka hano qaadi doona, waxaan dooneyna in qurbajoogtu ay dalka maalgashadan, si aan u soo ceshano wixii inaga lumay 30-kii sanno, waxaan rajeynayaan in warshadaan ay ballaarato oo ay soo saarto wax kasta oo dhismo guri la xiriiro”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan maalgelinta hal abuurro ka turjumaya baahiyaha dalka, kuwaas oo faa’iida u leh mustaqbalka jiilalka danbe, si waddanku u gaaro isku filaansho dhaqaale, wax-soosaar dhameystiran iyo Warshado awood buuxda u leh daboolidda ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keenno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...