Home Blog Page 100

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

0

Ku Simaha Raโ€™iisul Wasaaraha, ahna Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hayโ€™adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa heyโ€™adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta

0

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

 

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

0

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan gaar oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan hayโ€™adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hayโ€™adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).

Qodobbada shirka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:

Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS, dardar gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya, iyo horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.

Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

0

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hayโ€™adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hayโ€™adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeyb gashay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030, sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo.

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

 

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

0

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac,oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa bulshada Galmudugu ugu baaqay in ay is diiwaan-geliyaan si codkooda ay cidda ay rabaan ugu doortaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye(Qoor-Qoor),oo daah furay ololahan ayaa dhammaan Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay is diiwaangeliyaan,waxa una u mahadceliyay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha ee soo gaaray Galmudug si ay ugu qabtaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowlad goboleedka Galmugud.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo bulshada Caasimadda Dhuusamarreeb.

 

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

0

War-Saxaafadeed

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga goโ€™an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu ku tagayo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas.

Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin; Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku howlana wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaaryo shirkaan isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dawladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeytstirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.

Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalรญn mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuummadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.

Arrimaha farsamada ee gogoshaa iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare ,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta amniga ee guud ahaan dalka, isku-dubaridka heyโ€™adaha amniga, doorka bulshada ee xoojinta xasilloonida iyo diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah.

Golaha, ayaa guul taariikhi ah oo ay gaartay Soomaaliya ku tilmaamay ka mid noqoshada Heyโ€™adda Qaramada Midoobey ee horumarinta magaalooyinka iyo deegaanka ee (UN-HABITAT).