Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES (Personnel Identification Secure Comparison and Evaluation System) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu kobcinayay aqoonta iyo xirfadda saraakiisha HSJ ee ku aadan adeegsiga nidaamka casriga ah ee PISCES, kaas oo muhiim u ah ilaalinta amniga xuduudaha iyo horumarinta adeegyada socdaalka.

Munaasabadda xiritaanka ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ka qeybgalayaasha, waxaana Agaasimaha Guud uu bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naanshaha saraakiisha HSJ ee horumarinta xirfadooda shaqo iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

Mudane Mustafa Duhulow ayaa sidoo kale xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka iyo isku xirka xarumaha muhiimka ah ee xuduudaha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tababarada joogtada ah ee lagu horumarinayo shaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...