Home Blog Page 1007

Dowladaha Soomaaliya Iyo Sucuuudi oo Isla Oggolaaday In Xayiraada Laga Qaado Markab Xoola Siday Oo Lagu xannibay Dekadda Jidda

0

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.

Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana caawa markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa.

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo ka qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada muqdisho ugu qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalin jabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay safiirka dalka turkiga u joogo Soomaaliya xildhibaano ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka dowlada turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeyo Soomaaliya iyo turkiga waxa uuna balan qaday in ay sii wadi doonaan taageerada dhan horumarka ah ee  Soomaaliya ay ka caawiyaan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay Dowlada iyo shacabka Turkiga ee markasta kaalmada la garab taagan Soomaaliya.

“Waxaan ka qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalinjabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka, Waxaan u mahad celinayaa Waqafka Diyanet ee Turkiga oo suura galiyay in ardaydaan maanta ay qalinjabiyaan” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Horumarka waxbarashada dalka ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay Xoreynta Deegannada Argagaxisadu Ay Dalka Uga Sugantahay

0

Khamiis, July 18, 2019—Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay amniga guud iyo xoreynta deegaannada ay cadawgu uga dhuumaaleysanayaan gayiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo looga dooday Xeeraka marista waddooyinka iyo siyaasadda daryeelka bulshada.

 

Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Baydhabo (SNTV)-  Wafdigaan oo uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ee Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa kullan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Kulanka ayaa Waxaa Goobjoog Ahaa Wasiirada Wasaaradaaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Dastuurka, Haweenka, Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Waxaana kulanka inta uu socday inta badan looga hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahad-celiyey Wafdigan maanta soo garay magaalada baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha Waxyabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.

 

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo daah-furay hab cusub oo gudaha dalka looga qaadan karo Viisaha Xajka

0

Muqdisho (SNTV);-  Munaasabadda Daah-furka Habkan cusub oo lagu heli doona Visaha Xajka waxaa goob joog ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Dalka Madaxda wasaradda, xildhibaanno iyo culimaa’udiin kale,waxaana halkaasi lagu faah faahiyay muhiimadda arrintani ay leedahay.

Guddoomiyaha guddiga Cadaaladda,Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Aqalka Sare Shariif Sheekuna maye ayaa goobtaasi ka sheegay in ay tahay horumar dalka uu ku talaabsaday,marba hadii Visaha Xaji dalka gudihiisa laga qaadanayo,iyadoo loo doonan jiray wadamo kale sida jabuuti.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ra’iisul wasare kuxigeenka dalka u sharaxay dadaalkii loo soo maray hirgelinta in dalka gudihiisa laga qato viisaha Xajka ayaa xusay in dadaalo badan lagu bixiyay ugu dambeyna laga miro dhaliyay.

Waxaa si rasmi ah u dahfuray habkaasi cusub oo dalka looga qaadan karo Visaha Xajka Mudane Mahdi Maxamed Guuled, wuxuuna xusay in ay qeyb ka tahay barnaamijyada horumarineed ee adeegyada bulshada oo ay waddo Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Qeybaha Bulshadda ee Baled-weyne

0

Muqdisho (SNTV);- Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan.

Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda.

Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee DFS Amb; Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa Maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka waxay Xafiiskiisa kula yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan ; Baashe Yuusuf Axmed.

Inta uu kulanka socday ayaa waxay madaxda Wasaaraddu halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo siddii loo heli lahaa nidaam caddaaladdeed oo dhammeystiran.

Agaasimaha qorsheynta,  Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka ay hore la tashiyo ugala soo sameeyeen Maamul-gobaleedyada Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray Dalka, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay qorshahaas ku soo koobeen Saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga.

Waaxda maal-gashiga ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa iyaguna waxay halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiirri-gelin looggu sameyn lahaa maal-gashadayaal Dalka ka hir-geliya maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee Dalka, waxaana ay Guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo diyaarinta ku dhaqanka sharciga si maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiirran karaan Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo maal-gashiga ee Dalka, waxaanu intaa raaciyay in qorshaha horumarinta Qaranka uu ahmiyad weyn u leeyahay bahda Garsoorka, taas oo uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabaan sidii horumarin looggu sameyn lahaa, isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyin ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan .

Guddoomiyaha Aqalka sare oo qaabbilay Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku  ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan.

Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan.

Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska “Wadooyinka Halbowlaha G/Banaadir waxaa laga mamnuucay dhigista Baabuurta”

0

Muqdisho-(SNTV)- Qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta.

Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan.

Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka , si ay Shacabka ugu badbaadaan dhibaatada cadowga, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga, iyagoo wacaya 991.

Kulan looga hadlayay doorka ay Dhallinyarada iyo ganacsatadu ka qaadan karaan horumarka Dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulan soconayay Saddex Cisho, kaas oo looga hadlyayay doorka Dhallinyarada , aqoonyahanada iyo ganacsatada Soomalaiyeed ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha, wax soo saarka dalka iyo sidii sare looga qaadi lahaa barashada xirfaha la xiriira Seyniska, Tecnologiyadda, engineering iyo Xisaabta.

Kulanka oo ay qaban-qaabadiisu lahayd Somali stem society, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro Xildhibaanno , aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa waxaa loogu dooday sida ugu habboon ee looga qeyb qaadan karo wax soo saarka Dalka iyo muhiimadda ay leedahay barashada xirfadaha kala duwan ee maaddooyinkaasi, kuwaas oo qeyb weyn ka qaata wax soo saarka iyo horumarka Dal kasta.

Madaxa Ururka Somali stem society, Sacdiyo Siyaad, ayaa ka hadashay doorka ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan sare u qaadidda horumarka Dalka , waxanay da’yarta ku boorrisay in ay bartaan maaddooyinka iyo wax yaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha.

Xildhiban; Xuseen Carab Ciise , oo ka mid ah golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan barnaamijyada wax tarka u leh Bulshada, isagoo intaa raaciyay in ay tallaabadani tahay mid u baahan in hore loogu socdo.

Gabagabadadii kulanka ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay fursado hal abuur shaqo ah oo ay ku tartamayeen shairkado ,si dalka maal gashi looga sameeyo, waxaana ku guuleystay mid ka mid ah shirkadahii ku tartamay, iyadoo uu maal galintuna sameeyay Bankiga I BS- BANK.