Home Blog Page 1006

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya si dib uga kabto arimahaa dhaqaalah ee kobac kusocdo.

Soomaaliyaa ayaa tabaabusheysi ugu jirta sidii ay halganka dayn cafinta ay guullo uga gaari lahayd, sidoo kale dowladdaha deeq bixiiyaasha caalamiga ayaa sheegay in ay garab istaagi doonnaan sidii uu  usoo kabaan lahaa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Lafta gareen iyo Safiirka Qadar oo ka wada hadlay mashaariic laga fulinayo Koofur Galbeed

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur  Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qadar, Xasan Binu Xamza.

Wafdiga ka socday Qadar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah School, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qadar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta qaabilay Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo uu horkacayo Thabo Mbeki  

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga.

Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM.

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland sii deynta Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

 

Golaha Aqalka sare oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator Dr.  Osman Maxamuud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha Beni’aadannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax ka bedelka lagu sameeyay.

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Shirkad fursado waxbarasho u soo bandhigtay ardayda Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayey adeegyada Waxbarasho ee shirkadda Orange Worldwide ay  u heyso Ardayda Soomaaliyeed.

Madashan oo kulmisay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirtay Soomaali, Turki iyo bahda Waxabarashada waxaa lagu soo bandhigay adeegyada Waxbarasho ee shirkadda Orange ay u heyso Ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo isugu jira deeqo waxbarasho oo ah dalalka Turkiga, Qubrus, Giriiga iyo dalal kale oo badan.

Shirkada Orange oo ka shqeysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada iyo caafimaadka ayaa munaasabadda kusoo bandhigtay deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay ardayda Soomaaliyeed ugu talo gashay oo isugu jira kuwa lacag la’aan ah iyo kuwa uu qarashkooda uu aad u yaryahay, iyadoo dhinaca kale ardayda loo sharaxay qaabka ugu fudud oo ay u dooran karaan taqa-susyadooda waxbarasho.

Gudoomiyaha Guud ee shirkadda Orange Worldwide Jabriil Cumar Maxamed ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay u hayaan fursado waxbarasho, isagoo intaa ku daray inay jiraan shaqooyin u qorsheysan oo ay rabaan inay u qabtaan ardayda Soomaaliyeed.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha Waaxda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkad walba oo gacan ka geysaneysa sare u qaadidda Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo munaasabada soo xiray ayaa  ardyada ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho oo ay heystaan si ay dalkooda waxbadan ugu qabtaan, isagoo intaa ku daray inay soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ka geysaneysa horumarinta Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir

0

Mudug (SNTV);- Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ay wehliyaan gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ah qurba joogta reer Galmudug ee Dalka Ingiriiska ayaa kormeer howleed waxa ay ku mari doonaan deegaannada Gobalka Mudug intooda badan, taas oo la xariirta si maamulka cusub ee Gobalku uu xog rasmi ah uga helo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada ee ka jira deegaanada, waxaana socdaalkiisa ugu horeeyay uu ku tagay deegaanka Ceeldibir oo mudooyinkii u dambeeyay ay kasoo yeerayeen qeylo dhaan la xariirta adeegyada bulshada kuwaasi oo ay ugu daran tahay adeegyada dhanka caafimaadka.

Wafdiga waxa ay kulan gaar ah la qaateen maamulka deegaankaasi, iyagoo warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, kaasi oo ka hadlay xaaladda deegaanka gaar ahaan amniga, Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay midka ugu daran ee ay bulshada deegaankaasi ka qeyla dhaaminayeen sanadihii u danbeeyay, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan jirin xarumo caafimaad oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha ka shaqeeya Gobalka balse Maamulka oo kaashanaha shacabka iyo ganacsatada deegaankaasi ay iska kaashadeen in si ku meel gaar ah ay u furtaan xarunta Hooyada iyo dhallaanka (MCH) kaasi oo aan dabooli karin baahida caafimaad ee deegaanka ka jirta.

Intaasi kadib ayaa waxa Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo wafdigiisu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga ciidanka booliiska, ceelka biyaha laga cabo iyo xarumaha caafimaad ee deegaankaasi oo isugu jiray kuwa xirmay iyo kuwo si ku meel gaar ah usii shaqeeya, iyadoo kormeerka kaddib Guddoomiyaha Gobalka iyo qaar ka mid ah xubnihii qurba joogtaa ee socdaalkiisa ku wehliyay ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan in ay caawinaad  ka geysanayaan  baahiyada ka jira deegaankaasi Ceeldibir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug ayaa sidoo kale maalmaha soo socda kormeero xaqiiqo raadin ah oo la xariirta baahiyada adeegyada bulshada ku tegi doona deegaanno fara badan oo ka tirsan Gobalka Mudug.

W/D: Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (SNTV);- Xubnaha Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka Ugaas Nuur waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, kan Degmada iyo qeybaha bulshada ee degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Jimcaale oo la hadlay wafdiga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga, ayna ku soo dhaweynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

“Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ku soo dhawaada caasimadda Galmudug, ku soo dhawaada shaqadii aad u socoteen, qofkasta kaalin ayuu ka qaadan doonaa, gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere oo ka tirsan xubnaha guddiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta.

“Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay Xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tababarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga.

Guddiga ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo ah dib u heshiisiinta, waxaana magaalada Dhuusamareeb ay marti gelineysaa shirka arrimaha dib u heshiisiinta looga hadlayo.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya

0

Jeddah-(SNTV)-Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ; C/qaadir Axmed Qeyr iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo kormeeray Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Wuxuu si weyn ugu kuur-galay Wasiiru Dowluhu, shaqada ka socota Qunsuliyadda iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato Dadka Soomaaliyeed ee nool Magaalada Jeddah iyo nawaaxigeeda.

Mudane ; Axmed Qeyr, ayaa Qof-Qof ula sheekeystay shaqaalaha ka howlgala gudaha Qunsuliyadda, isagoo ka wareystay adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan Ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya, Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Wasiiru Dowlaha, isagoo aad usoo dhoweeyay ugana mahad celiyay booqashadiisa.

“Waxaan warbixin yar ka siinnay qaab howleedka ay u shaqayso Qunsuliyadda iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed baahiyaha ay qabaan iyo wixii loo qabtay, ayuu yiri Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Dalka Sacuugiga’ Ilyaas Sheekh Cumar.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Axmed Qeyr ayaa ka mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyay,wuxuuna sheegay in madaxda iyo shaqaalahuba ay warbixin fiican ka siiyeen howlaha ay Qunsuliyadda u qabato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay in Qunsuliyadda guud ee Magaalada Jeddah ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan, shaqa wanaagsanna ay ka socoto, isagoo intaa raaciyay in ay baahiyo ka jira gudaha Qunsuliyadda oo ay diyaar u yihiin ka Dowladda dhexe ahaan in ay wax ka qabtaan.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo darajooyin u xiray Saraakiil Caafimaad

0

Muqdisho-(SNTV)-Ku simaha taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa Shalay garaadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan kusoo biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee Xooga Dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.

Bishii December  ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.