Howl-gallada CXDS ee ka socda Gobolka Sh/hoose oo lagu baahinayo Sh/dhexe

Date:

Weerarrada iyo howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab ee haatan ka socda Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wadaa dhowaan in lagu baahiyo Gobolka Sh/dhexe. sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen (Guud-laawe).

Mudane; Cali Guud-laawe, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay la kulmeen, Madaxda ugu sarreysa Dalka, ayna isla garteen in howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab lagu fidiyo Sh/dhexe, si loo ciribtiro cadowga.

Hadalkan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guud-laawe ayaa imaanaya xilli ay Ciidamada xoogga Dalku guulo is daba joog ah kasoo hoynayaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degaanno kooban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...