Home Blog Page 1008

Madaxweyne Waare iyo James Swan oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka QM iyo maamul Goboleedyada Dalka

0

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare , ayaa Xafiiskiisa Jowhar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee QM Soomaaliya, James Swan.

Wafdiga ka socda QM iyo Madaxda Hirshabeelle, ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa iyo Dowlad Goboleedyada Dalka,xoojinta arriamaha gargaarka howlaha Bani’aadamnimada iyo amniga.

“Waxan ka wada hadalnay Madaxweyne Waare iyo aniga arrimo badan oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in la xoojiyo geeddi-socodka kobcinta Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,” ayuu yiri Amb; James Swan.

Labada dhinac ayaa waxay si wada jir ah hoosta uga xarriiqeen in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee haatanba ka dhexeeya maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe oo ay xubin ka yihiin, si ay usii socdaan horumarrada haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ay cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in la sii xoojiyo xiriirka Labada dhinac, wuxuuna intaa raaciyay in QM ay ka rajeynayaan in ay Gacan ka geysan doonto barnaamijyada horumarineed ee maamulkiisa.

Kulanka oo ahaa mid xog wareysi ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay, iyagoo horay usoo maray Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug

Dhuusamarreeb (SNTV):-Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan Caawa la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso Magacaabista Guddiga Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan wadatashi iyo IslaXisaabtan ah la yeeshay Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile

0

Muqdisho (SNTV);– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo Isla Xisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Caasimadda ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda.

“Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo”.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanno, Siyaasiyiin Oday dhaqameed iyo Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, waxayna ku dhiirigeliyeen shacabka Dayniile in ay sii xoojiyaan horumarka ay wadaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay In Wadajir Looga Qeyb Qaato Dib-u-dhiska Galmudug iyo Ka Xoreynta Argagaxisada

Dhuusamareeb (SNTV)- Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha  Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed, ayna muujiyaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.

Ku-Simaha Taliyaha Xoogga Dalka oo Kulan dhiiri-gelin ah la qaatay ciidanka Ururka Dal-dhis

0

Muqdisho (SNTV)- Ururka Dal-dhis ee Guutada 14 Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u dhameystirtay Qalabkii ay ku Howlgali lahayeen Ciidanka, sida Hubka, Gaadiidka dagaalka iyo Agabyadii kale ee ay ku howlgali lahaayeen, si dalka ay uga Xoreeyaan Cadowga Argagixisada ah ee Alshabaab.

Ku-Simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye Ku-Xiggeenka XDS S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagay Ciidankaan oo ku jira Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka ururka Dal-dhis kula dardaarmay in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan Howlgalada Dalka Ka socdo.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dib ugu laabtey Magaaladda baydhabo

Baydhabo (SNTV)- Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur galbeed mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen  oo muddo seddex maalin ah ku maqnaa degmada Ceellbarde ee gobolka Bakool ayaa maanta dib ugu laabtey magaaladda Baydhabo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, wasiiro, xildhibaano, ururada Bulshada, Fanaaniin iyo dhalinyaradda magaaldda Baydhabo.

Ugu horeyn waxaa garoonka diraayadaha Shaati gaduud shacabka iyo masuuliyiinta soo dhaweysay Lafta-gareen kula hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay safarkaan inuu ka duwanaa kuwii hore.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laft-gareen ayaa ka warbixiyey safarkiisa Seddexda maalin ahaa ee uu ku joogey degmadda Ceelbarde gobolka Bakool, wuxuuna sheegay inuu  dhagax dhigey xarunta isbitaalka weyn, Shcoolka Degmada,  isagga oo sidoo kale xariga ka jarey Xarunta Cusub Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,  sidoo kale Lafta-gareen ayaa Ceelbarde ka daah-furey shirka Dib u heshiisiinta Dadka dega gobolka bakool, wuxuuna kula dardaarmey in la iska ilaaliyo dan gaar ah, loona jiheysto horumarka gobolka iyo siddii looga Xoreyn lahaaa kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa u mahad-celiyey shacabka, Odayaasha iyo siyaasiyiinta degmadda ceelbarde, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dadkii kuso dhaweeyey magaalada baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Soomaaliland

0

Muqdisho (SNTV);- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

Madasha Shaqo Abuurka Qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo Garoowe lagu soo gabagabeeyay

Muqdisho (SNTV)-Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb-galeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Wasaaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland, intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirku intuu socday waxaa lagu fallanqeeyay Arrimaha badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhallinyarada iyo Shaqo Abuurka.

Shirka waxaa ka soo baxay Go’aamadda hoos ku xusan;

1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.

2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruucana la boggaadiyo.

3. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirfadaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsamada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

5. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abuurka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.

6. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waawayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinyarada.

7. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo,fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.

8. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Banaadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.

9. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweynta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.

10. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

11. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiyayaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxayna Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda Golaha Shacabka oo maalintii 3-aad kulan Howleed shaqo ku leh Kigali

Kigali (SNTV):- Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo maalintii saddexaad kulan howleed baaxad leh uga socdaa shaqo jooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxa ayna si qoto dheer u turxaan-bixinayaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerka Istaatistikada Soomaaliya waxaa ku dul xusan, sida Dhismaha Hay’adda, xubnaha Golaha hay’adda qaabka loo soo xulayo, hanaanka loo aruuriyo Xogta dalka, iyo talaabooyin kale oo horutabin u leh dalkeena.

Kulan howleedkan waxaa ku sugnaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Fahma Axmed Nur,Xoghyaha joogta iyo Agaasimaha Guud ee Istaatstikada.

Agaasimaha guud Istaatiskada Mudane Cabdulraxmaan Daahir Cumar  iyo  Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Guddiga u sharaxay Ahmiyaddaha xeerkan muhiimada siinayo, waxa uu inoo sahli doonaa  helid xog sugan oo dalka dhinaca walbo  laga eegay, tusaale ahaan Kobacaha Dhaqaalaha, xoggaha Arrimaha bulshada iyo heerka shaqa la,aanta iyo qodobo kale oo muhiim.

Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo shaqo wanaagsan ka wado hanaanka sharcigan loo dhameystiri lahaa kaas oo  horyaalo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada-oo ay  xildhibaanada ay dul istaagayaan  qodobada sharciga  ku jira, kaas oo Soomaaliya u horseedi doona hanaanka aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Furay Shirka Dardar-gelinta Iyo Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka

0

Muqdisho (SNTV)—Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.

Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.