Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+

Date:

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng; Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda Dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen Dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Mudane; Canshuur, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horreeyay ee isaga iyo Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta, Md; Cabdi Sheekh, la yeesheen Xoghayaha Guud ee midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha horumarinta, Ms; Doreen Bogdan-Martin.

Kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii Sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 Sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada Dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii Dalka Shiinuhu Gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay Dowladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyadda ee Dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada Labada Dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya Labadii Sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta Dowladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 ay Soomaaliya noqotay Dalka 2-aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo siyaasad Qaran oo dhinaca teknolojiyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 Sano kadib.

ITU waxay si gaar ah u xustay in mudane, Canshuur uu noqonayo Wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 Sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxadda ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...