WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay u tageen dardargelinta howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo saameynta laga filayo El Niño.

Inta uu ku sugan yahay Beledweyne, Guddoomiyuhu wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale, wuxuu booqan doonaa deegaannada ku dhow biyo-mareennada, si loo qiimeeyo xaaladda loona xoojiyo wacyigelinta bulshada.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa bulshada ugu baaqay in la furo lana nadiifiyo biyo-mareennada, si loo fududeeyo qulqulka biyaha loogana hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.

Sidoo kale, wuxuu bulshada ku boorriyay inay ka fogaadaan goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo khatarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...