MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 11-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyey mooshin ama soo jeedin ku saabsan in Ajendaha kulanka ee maanta lagu daro Ajende ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, kaasoo ka dib markii ay Xildhibaanada u codeeyeen diiday in kulanka maanta uu ka mid noqdo.

Intaasi ka dib, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah oo uu goluhu hore akhrinta koowaad u marsiiyey, waxaana Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Golaha Shacabka uu golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka in hindis sharciyeedkan uu kusoo daro aragtiyada, doodaha iyo fikradaha Xildhibaanada islamarkaana uu golaha dib ugu soo celiyo Akhrinta sedaxaad si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga Qaranka

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...