Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa la ciyaaraya Mauritius, kulan ka tirsan isreeb-reebka Qaramada Afrika 2027

Date:

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee tartanka Qaramada Afrika 2027 la ciyaaraya dhiggooda Mauritius.

Ciyaartan oo ah lugta labaad ee is-aragga labada xul ayaa ka dhici doonta garoonka Côte d’Or National Sports Complex. Labada xul kulankoodii koowaad oo lagu ciyaaray magaalada Maputo ee dalka Mozambique ayaa kusoo dhammaaday 0–0, waxaana mid walba uu rajo ka qabaa inuu guuleysto si uu ugu soo baxo wareegga xiga ee isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika 2027.

Xulka Mauritius ayaa wajahaya cadaadis weyn, maadaama aysan wax guul ah gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada. Qaab ciyaareedkooda liita ayaana walaac ku haya taageerayaashooda.

Dhanka kale, xulka Soomaaliya (Ocean Stars) oo uu hoggaamiyo tababare Yuusuf Cali Nuur “Yuu Cali” ayaa muujiyay horumar iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxayna haystaan laba guul shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo siinaysa rajo wanaagsan oo ay ugu gudbi karaan wareegga xiga.

Si kastaba, kulankan waa mid si buuxda u furan. Labada xul kii guuleysta ayaa u soo bixi doona wareegga xiga ee isreeb-reebka AFCON 2027. Haddii kulanku ku dhammaado barbaro, waxaa lagu dari doonaa waqti dheeri ah, haddii ay kala bixi waayaanna waxaa lagu kala saari doonaa gool-kulaad.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, iyo dhammaan mucaashiqiinta kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul u rajeeyay xulkeenna oo ay matalayaan xiddigo tayo leh oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...