Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo khayrka bulshada dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray dhammaan ka qaybgalayaasha barnaamijka oo hal-ku-dhigiisa ahaa “Soomaali sheeganaysa sheekadeeda”, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo kor-u-qaadidda akhlaaqda wanaagsan.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in qof kasta uu shaqadiisa isaga oo haysta Alle ugu dhawaan karo, isla markaana horseedi karo guul adduun iyo abaal marin aakhiro, isaga oo tilmaamay in ganacsatada, wariyeyaasha, siyaasiyiinta, culimaduba ay door muhiim ah ka qaadan karaan dhismaha bulsho suubban.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay caqabadaha jira sida qabyaaladda, musuqmaasuqa, argagixisada, faragelinta shisheeye iyo hoos u dhaca dhaqanka wanaagsan, kuwaas oo khatar ku ah midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in tiknoolojiyadda iyo warbaahinta bulshada loo adeegsado faafinta wanaagga, wacyigelinta bulshada iyo kobcinta dhaqanka wanaagsan, isla markaana laga hortago waxyaabaha lidka ku ah nabadda iyo horumarka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jiri doonin wax aargoosi ah, isaga oo caddeeyey in talada dadka dib loogu celin doono, bulshaduna ay soo dooran doonaan hoggaanka maamulkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...