Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay howlgalkii maleeshiyaadka Khawaariijta looga sifeeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiisha Ciidanka Deegaanka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha amni ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay shalay gaareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo dardargelinta howlgalada amniga ee ka socda magaalada iyo deegaanada ku hareereysan.

 

Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay howlgalkii guuleystay ee lagu sifeeyay Khawaariijta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida uga mahadceliyay naf-hurnimadooda ku aaddan difaaca qarannimada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Danjire Ilyees Cali Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...