Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo horey dilal uga geystay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Qudaama Xamsa Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey), iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa ahaa eedeysanayaal horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo falal amni-darro ah.

Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...