Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Date:

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB). Tallaabadan waxay muujinaysaa dadaalka dowladda ee ku wajahan dhisidda nidaam cilmi-baaris oo daahfuran, ku saleysan anshax, kuna dhisan mas’uuliyad iyo nidaam sharci, lana jaanqaadoona qorshaha isbadalka qaran (National Transformation plan).

Golaha SNREB oo ayaa u xil-saaranaan doona dib-u-eegista, qorshaynta, isku xerka iyo kormeerka dhamaan cilmi baarista caafimaadka ee dalka, mas’uuliyadaha golahan waxa ay sidoo kale daboolayaan baahiyaha ku gadaaman cilmi-baarista la xiriirta Caafimaadka, nafaqada, WASH (biyaha, nadaafadda, iyo fayadhowrka), deegaanka, iyo hab-dhaqanka aadanaha.

Ujeeddadu Golahan ayaa ah in dhammaan cilmi-baarisyada noocan oo kale ah lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo Go`aanka Golaha Wasiirrada ee Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee 10/10/2019 kuna saabsan ansixinta Xeer-nidaamiyaha Machadka Caafimaadka ee Soomaaliya, dhanka kale Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) oo ah udub dhexaadka isku xerka dhamaan howlaha la xariira cilmi baarista caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku tilmaamay dhismaha golahan inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhisidda dowladnimada casriga ah iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista masuulka ah, sidookalena in Golaha SNREB uu noqdo garab muhiim ah oo suga anshaxa cilmi-baarista caafimaadka dalka, ilaalinta xuquuqda bini’aadantinimo iyo dhiirrigelinta cilmi-baaris la isku halleyn karo.

Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban khubaro sare oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dhanka caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaad Dalka, waxay hirgelidoonan howlaha horyaala si waafaqsan habraacyada anshaxa ee lagu oggolyahay gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda Caafimaadka waxay ku amreesaa dhammaan hay’adaha, caalamiga ah iyo kuma maxaliga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaad iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee cilmi-baarista ku lugta leh inay la shaqeeyaan golahan, una hogaansamaan nidaamka iyo xeerarka (SNREB)si loo horumariyo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax, isla xisaabtan iyo nidaam cadaalad ah oo buddhig u ah dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka udagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...