Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Date:

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga Hagidda Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya intii u dhexeysay 4–6 Agoosto 2025.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Qabyo-Qoraalka Istiraatiijiyadda 7aad ee Horumarinta EAC (2026/2027–2030/2031), taasi oo hagaysa jihada horumarka dhaqaale, ganacsi iyo wada-shaqeynta waddamada xubnaha ka ah ururka sanadaha soo socda. Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qaybqaadaneysa qorshayaasha horumarineed ee gobolka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay EAC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...