Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Indonesia, Mudane Sugiono.

Labada Wasiirrada ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, beeraha, waxbarashada, iyo arrimaha badda.

Intii uu socday kulanka, ayaa la kala saxiixday heshiis muhiim ah oo labada dal ka dhaafaya shuruudaha dal-ku-galka ee baasaboorada diblomaasiyadeed iyo adeegga, taasoo loo arko tallaabo cusub oo dhanka is-fahamka iyo wada-shaqeynta ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya kobcinta iskaashiga wax-ku-oolka ah halka Wasiir Sugiono uu dhankiisa xusay muhiimadda iskaashi dheeraad ah oo la sameeyo waddamada Koonfurta Caalamka, isaga oo ku bogaadiyay Soomaaliya ku biirista Urur Goboleedka EAC, taasoo fursad weyn u ah ganacsiga gobolka.

Indonesia waxa ay ballan qaaday taageero farsamo iyo tababbarro la xiriira kalluumaysiga, beeraha, warshadaynta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigeliyay in Soomaaliya ka faa’iidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee KNB, Darmasiswa, iyo TIAS.

Labada dal oo wadaaga qiyamka Islaamka, ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo taageerada nabadda caalamka Muslimka ah, iyaga oo wada-shaqeyn la leh Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Indonesia waxay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya ay garab ku hesho horumarka iyo danaha ay wadaagaan,” ayuu yiri Wasiir Sugiono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...