Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

Date:

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, aayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargelinta howlaha nabadeynta, iyo taageerada la xiriirta xasillinta dalka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Kariye, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo isku-duwidda howlaha AUSSOM iyo Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo sal u noqota horumar waara.

Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso AUSSOM, si loo gaaro guulo muuqda oo dhanka nabadda, amniga, iyo dib-u-dhiska dalka ah.

Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay soo dhawaynta uu kala kulmay dowladda Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...