Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa qorshuhu booqashadoodu daaran yahay xarig-jarka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo dib-u-dhis heer sare ah, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay, sidoo kalena wuxuu kaqeyb gali doonaa Xuska 65 sano guurada maalinta Xurriyada Qaranka.

Wafdigani Wasiirrada ah ayaa inta ay joogaan dalkaasi, waxa ay kulamo labo geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda, iyaga oo kala hadli doona kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iskaashi wadaagga iyo isku-gudubka xorta ah ee muwaadiniinta labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...