Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...