๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ Xalay ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐’๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฎ ๐’๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐๐๐จ ๐—๐ข๐ฅ๐ž๐ž๐๐ค๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐ฒ

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa caawa kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay ๐Œ๐ซ๐ฌ. ๐Š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ง๐š ๐’๐ฏ๐ž๐ง๐ฌ๐ฌ๐จ๐ง oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku egyahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya. Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS โ€œAmni darradu waa dabarka ku xiran horumarka daโ€™yarta Soomaaliyeed.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...