Wasiirka Maaliyadda XFS oo washington kulamo muhiim ah kula qaatay madaxda iyo ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya dhaqaalaha

Date:

Xili ay gabagabo ku dhaw yihiin shirarka xiliga Gu’ga ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee ka soconaya Magaalada Washington DC ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxdii matalayay Dowladahooda iyo kuwa ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha.

Norway:

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalmiga ah ee Dowladda Norway Mr. Åsmund Aukrust. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda sida horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kobcinta wax soo saarka Dalka iyo ka wada shaqeynta dhisidda hannaanka ka gudbidda aafooyinka dabiiciga ah. Intii uu socday kulanka labada Dowladood, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay Norway doorka muuqdo ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo ka garabsiinta Dowladda barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka NTP.

UK:

Kulankan Dowladda UK oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, horumarinta hey’adaha maamulka iyo meelmarinta qorsheyaasha u dagsan kobcinta dhaqaalaha si ay fursado u helaan bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen masuuliyiinta sare ee Xafiiska Horumarinta Dibadda ee Dowaldda UK ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay natiijo aad u wanaagsan oo ku saleysan xiriirka dhaw ee Soomaaliya iyo UK.

Denmark:

Kulanka lala yeeshay Dowladda Denmark oo ay ka socdeen madaxda sare ee Xafiiska Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha miro-dhalka ah ee horumarinta Maaliyadda, sare u qaadidda hannaanka dhaqaalaha dalka iyo maalgalinta ilaha wax soo saarka dalka ku waas oo ah fursado ay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Germany:

Marwo. Birgid Pickel oo ahaa Agaasimaha Guud ee Afrika Wasaaradda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Germany iyo qaar kale oo kamid ah wafdiga Germany ayaa kulan gaar ah waxa ay la yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka oo ah hannaan ay Dowladdu waqti gaar ah galisay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Dowladda Germany uga mahadceliyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo taageeradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...