Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Date:

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ku doortay Xildhibaan *Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan)* inuu noqdo Guddoomiyaha cusub, isagoo beddelaya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu dardargeliyo shaqada guddiga, gaar ahaan doorkiisa muhiimka ah ee la xisaabtanka hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale xubnaha kale ku dhiirrigeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Doorashada cusub ayaa la filayaa inay horumarin ku keento hufnaanta iyo daahfurnaanta howlaha maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...