Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Date:

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ku doortay Xildhibaan *Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan)* inuu noqdo Guddoomiyaha cusub, isagoo beddelaya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu dardargeliyo shaqada guddiga, gaar ahaan doorkiisa muhiimka ah ee la xisaabtanka hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale xubnaha kale ku dhiirrigeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Doorashada cusub ayaa la filayaa inay horumarin ku keento hufnaanta iyo daahfurnaanta howlaha maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...