Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaa 

Date:

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan amni oo heer sare ah, kaasoo ay isugu yimaadeen xildhibaano, wasiiro, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada miyiga ah.

Kulanka oo aan saxaafaddu si toos ah uga qaybgelin ayaa lagu falanqeeyey xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga iyo madaxda deegaanka, si loo ciribtiro khataraha argagixisada. Waxaa kulanka kasoo baxay qodobo la xiriira adkaynta wada shaqeynta iyo hagida istaraatijiyadeed ee ciidamada.

Waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, Wasiirka Dastuurka ee Galmudug, Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Jeneraal Cabdullaahi Caraaye Cosoble (Gacma Duule), iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Masagawaa ayaa horey ugu caan baxday kaalin muhiim ah oo ay ku leedahay abaabulka howlgalada milatari ee lagula dagaallamayo argagixisada, waxaana kulankan uu daliil u yahay dadaalka sii socda ee lagu xaqiijinayo amni buuxa oo ka hanaqaada guud ahaan gobolka Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...