Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga La-socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen habdhowrayaal iyo xoghayeyaasha guud ee labada Aqal.

Guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal la wadaagay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha dib u eegista Dastuurka, gaar ahaan qorshayaasha la xiriira cutubyada harsan iyo waqtiga la filayo in Baarlamaanka la horgeeyo.

Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isku raaceen in la dardargeliyo hawlaha dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Kumeelgaarka ah uu u gudbo heer rasmi ah, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...