Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Date:

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC- khaatumo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaas si balaaran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, mas’uuliyiin ka tirsan, Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweynaha magalada Laascaanood.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah mid lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka sidoo kalena inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo.

Sidoo kale Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo mashaariicyo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...