Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Date:

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC- khaatumo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaas si balaaran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, mas’uuliyiin ka tirsan, Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweynaha magalada Laascaanood.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah mid lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka sidoo kalena inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo.

Sidoo kale Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo mashaariicyo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...