Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay Kulanka Fulinta Qorshaha Wasaaradda ee 2025

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Ali Yusuf Ali – Xoosh, oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Ashkir, ayaa guddoomiyay kulanka fulinta qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee sanadka 2025.

Agaasimayaasha iyo la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qaabka fulinta ee qorshaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Ali Xoosh, oo kulanka ka hadlay, ayaa faray dardargelinta shaqooyinka loo asteeyay waaxyaha Wasaaradda, isagoo sidoo kale adkeeyay daadejinta howlaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...