Ciidanka Qaranka oo hawlgal ku beegsadeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

Date:

Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay xalay ku beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran.Hawlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhammaaday guul.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jabiyay Khawaarijta weerar naflacararinimo ah oo ay kusoo qaadeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka Khawaarijta, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay Khawaarijta. Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah.

Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa guulaha ay ka gaareen Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa saaxiibada caalamka ee gacanta joogtada ah ina siiya.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka waxay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...