Ciidanka Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

Date:

Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Khawaarijtu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Khawaarijta ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...