Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo afur wadareed la qaatay bulshada degmada Deyniile

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale ayaa bulshada Degmada Dayniile kala qayb-galay afur wadareed ay sooo diyaariyeen Maamulka Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa mid lagu dhiirrigalinayo ciidamada geesiyaasha ah ee ku howlan sugidda amniga caasimadda bisha Barakaysan ee Ramadaan, si loo xoojiyo hawlgalka lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Benaadir iyo Degmooyinka ku xeeran.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka iyo xasilloonida caasimadda ee ay horseedeen ciidamada kala duwan ee nabadsugidda iyo Boliiska, wuxuunna ku adkeeyay inay sii labo jibbaarraan feejignaanta maadama kooxaha khawaarijta jab xooggan kasoo gaaray furimaha dagaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Carruurteed

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka...