Raโ€™iisal wasaare Xamse oo daah-furay tartan Qurโ€™aanka Kariimka ah

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qurโ€™aan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

โ€œTartanka Qurโ€™aanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amrayโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...