Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulankooda oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi ayaa labada mas’uul waxay isku dhaafsadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...