Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhiggeeda dunida loona helo caasimad ka horumarsan dhan kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...