Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ,ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed,isagoona sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhanka kale dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...