Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya, Mudane George Conway

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnaamijyada iyo mashaariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu milicsan doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ODA uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo habab kale oo maalgelin ah si loo ilaaliyo barnaamijyada muhiimka ah ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...