Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeriddii Sheekh Muuse Cadde 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah Culimmada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Magaalada Baydhabo 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Dowlaha Howlaha guud oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo...

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 

Munaasabadaan oo lagu magac daray xuska maalinta Nabadda iyo...

R/W Xamse oo goobjoog ka ahaa goobta uu xilka kula wareegayay Duqa cusub ee Muqdisho 

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa...