Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 

Date:

Munaasabadaan oo lagu magac daray xuska maalinta Nabadda iyo Horumarinta Gobalka Mudug, oo ku beegan 17 Decembar oo ah maalintii sida rasmiga ah Madaxda Galmudug iyo Puntland ay u kala saxiixdeen heshiiska Nabadda ku wada noolashaha iyo Joojinta Colaadii soo jireenka aheyd ee ka jirtay Gobalka Mudug, ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamul, Madax ka socotay Ururka Dhisidda Nabadda Gobalka Mudug (Mudug Peace Bulding) iyo Xubno ka socday Bulshada qeybahooda Kala duwan, ee Doorka lama iloobaanka ah kasoo qaatay Taaba galka Nabadda lagu naaloonayo ee ka jirta Gobalka, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isxal iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug ee Puntland Maxamuud Jaamac Xirsi.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Odayaasha dhaqanka Haweenka iyo Dhalinyarada, Saraakiishii Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka, ee La aan tood aysan suurta Gasheen iyo Marti Sharaf lagu casuumo Kulanka, kuwaas oo dhammaantood ka soo sheekeyay Colaadihii lasoo maray iyo Horumarka iyo Nabadda Xiligaan la dareemayo.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Fadaraalka Prof Sonkor Geyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Fadaraalka ee kaalinta ka qaatay Nabadda, ayaa isna munaasabada ka hadlay. ” Waan idin kugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen,Ee nabada iyo horumarinta leh”.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Dhanka Horumarinta Mashariicda iyo Samafalka Dr Badal Liibaan Maxamed, ayaa gunaanadkii Munaasabada kula dardaamay inay ilaashadaan nabada ay heestaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...